Iran Oo Marin U Noqotay Dhoofinta Iyo Ka Ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya (Warbixin)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Wakaaladda Wararka Reuters.

Warbixin Sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in Dhulka iyo Nidaamka Al-Shabaab ay Canshuurta ka Sameeyaan ay ka weeyn yihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado.

Warbixintu waxay sheegtay in tan iyo Bishii March Maraakiib isiticmaaleeysa Aqoonsiyo khaldan sida , Ivory Coast iyo Ghana ay ku xirteen Dekadaha Dalka Iran, iyadoo dhuxushana lagu shubay Jawaanno Cad oo “Badeecadda Iran ay dusha uga qorantahay.

“Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta Calanka Iran, waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka Carabta, iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen.

Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii Qaramada Midoobay ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, kaddib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda.

Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 Million oo Dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo.

Sidoo kale, Waxaa Qiyaastaan ku xusan in 3 Million oo jawaan, laga dhoofiyay Sanadkii tagay Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay wali Dhuxushu u tahay il Dhaqaale, Waxayna ka helaan ugu yaraan 7.5 Million oo Dollar, sida lagu sheegay Warbixinta ay Daabacday Wakaaladda Wararka Reuters, oo aysan wali ka hadlin dalalka Imaraadka Carabta iyo Iran.

Warbixinta kooxda Monitoring group waxaa ay shaaca ka qaaday in Barta koontrool ee Al-shabaab ugu faa’idada badan ay ku taalo meel 160-KM Woqooyi Galbeed kaga began caasimadda Muqdisho oo ah wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Dagaalame Al-shabaab kasoo goostay ayey kooxdu kasoo Xigatay in Al-Shabaab Ayay Bartaas Kontrol ay ka helaan ku dhawaad $30,000 maalintii-taas oo Sanadkii ka dhigan 10 million oo Dollar.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Sanadkii 2012-kii Mamnuucay Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya, kaddib markii la Ogaaday in Kooxda Al-Shabaab ay Mallaayiin Dollar ka sameyso Dhoofinta iyo Canshuurta Dhuxusha.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.