Madaxweyne Waare “Sharci Ma ah in Shir Hirshabelle ka Maqan tahay Ay Yeeshaan D/gobaleedyadu” (DHAGEYSO)

JOWHAR(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garowe.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ama talo ay gaar u gaaraan afar maamul

Waare ayaa sheegay in nasiib darro ay mowqifkooda ka gedi waayeen Golaha Iskaashiga, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku raaci waayaan, balse aanay xaq u laheyn inay go’aan ka maqan tahay Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle uu soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aanay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

DHAGEYSO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.