Shirkii Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ay Maanta Ku yeelan lahaayeen Garoowe oo Baaqday (Akhriso)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo maanta oo Arbaco ah, Taariikh-du ku Beegan tahay 10 Bisha October, Kaas lagu waday inuu ka Qabsoomo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Dib u dhacan ku yimid Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa ka dambeeyay, ka gadaal Markii Xubnaha Beesha Caalamku ay ka Dalbadeen Madaxda Dowlad Gobaleedyada in la siiyo Waqti, si ay u soo Afjaraan Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, oo Xariirka u jaray Villa Soomaaliya.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa Aqbalay Dalabka Dowlad Gobaleedyada, Iyadoona la Sheegay inay ku War-geliyeen Wakiilada Beesha Caalamka in Illaa 14 Bisha ay heystaan, wixii intaas ka dambeeyana uu Qabsoomi doono Shirkooda Garoowe.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa Shirkoodii Kismaayo Iclaamiyay Shir aan Caadi aheyn oo ka Dhaca Magaalada Garoowe, Iyadoona Beesha Caalamka la sheegay inay ka walaacsan tahay in Shirkaas ay kasoo baxaan Qodobo sii Kala-fogeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa iska diiday Shir uu Isigu yeeray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo 17 Bishii Septembar, Iyagoona Sheegay in loo baahan yahay Gacan Saddexaad oo Damaanad qaada Qodobada lagu heshiiyo, maadama Madaxda DF Soomaaliya ay ka baxeen Qodobadii lagu heshiiyay Shirkii hore.

Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Kulamo ku yeeshay Magaalada Nairobi, Iyadoona kulamadaas laga gaaray Is-fahan buuxa.

Si Kastaba ha ahaatee, Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu ka Qabsoomo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana ay Wararku Sheegayaan in Shirkan ay kasoo Qeyb-gali doonaan Xisbiyadda Siyaasadda Dalka, Siyaasiyiinta iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.