Wasiir Xayir Oo Raalli-gelin Ka Bixiyay Gaf uu ka galay Dadka Ku Hadla Afka Mayga.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu maalintii isniinti ka sheegay Baarlamaanka oo ku saabsanaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga, iyadoo jawaabta uu ka bixiyay ay ka careysiiyay dadka ku hadla lahjada Maayga.

Wasiir Xayir ayaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga ku jawaabay in aanu afka Maayga fahmin, isla markaana uu ku yiri Xildhibaanka inuu “waqtiga iska khasaariyay, oo qolo kale la hadlayay”

Guddoomiyaha Golaha Shacaboa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulankii maanta kaga dalbaday Wasiir Xayir inuu raalli gelin ka bixiyo hadalkiisa, maadaama shacabka ku hadla luqadda Maayga ay ka mid yihiin shacabka uu Wasiirka u yahay.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir ayaa yiri “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raalli gelin ayaan bixinayaa, Xildhibaan Fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay”

Xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii tabanayay in qalad laga galay dadka ku hadla afka Maayga, ayaa sheegay inuu aqbalay raalli gelinta Wasiiru dowlaha.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu weeraray Wasiir dowlaha Maaliyadda, waxaana dad badan ku tilmaameen hadalkiisa ahaa ma fahmo afka Maayga iyo qolo kale ayaa la hadleysa inay aheyd mid jees jees ah.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.