Kooxo Hubeysan Oo Askari Ku Dilay Suuqa Magaalada Boosaaso.

BOOSAASO(IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa Sheegay in Goor-dhaweyd halkaas lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso.

Dilka Askarigan ayaa ka dhacay Suuqa weyn ee Boosaaso, oo ah Meel aad u Saxmad badan, Iyadoona ay dilkiisa ka dambeeyeen Kooxo ku hubeysan Bistoolado.

Dad ka ag-dhawaa Suuqa ayaa inoo Sheegay in Kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga ay Goobta ka baxsadeen, Iyadoona halkaas ay ka gaareen Daqiiqado kaddib dilka Laamaha ammaanka, kuwaas oo haatan Daba-jooga raadka Dableydii dilka geysatay.

Magaalada Boosaaso ayaa Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday Dilal Bareer ah oo loo geysanayo Ciidamada Dowladda Puntland, Ganacsatada iyo Saraakiisha kale ee Dowladda, Iyadoona dilalkii ugu dambeeyay la sheegay in loo soo qabtay Dad.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.