Shirka Dib-u-eegista Dastuurka Oo Garoowe Lagu Soo Gaba-gabeynayo.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaa maanta lagu soo Gaba-gabeynayaa Shirka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, kaas oo labadii Maalmood ee la soo Dhaafay ka socday Garoowe.

Shirkan ayaa waxaa ka Qeyb-galaya Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Guddiyadda Dastuurka ee Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiilo ka socda Hay’addo Caalami ah.

Shirkan ayaa Mudadii uu socday, Waxaa Xubnaha ka Qeyb-galaya ay Dood Adag ka lahaayeen Wax ka bedelka Cutubyo kamid ah Dastuurka, Iyadoona soo Bandhigayay Aragtiyo kala duwan oo ku aadan Qodobada ay ka doodayeen.

War-mirtiyeed ku aadan Waxyaabaha looga hadlay Shirka, ayaa la filayaa in laga soo saaro maanta, Iyadoona haatan uu socdo Shirku, waxaana Munaasabadda Xiritaan ka qeyb-galaya Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camey.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.