Daawo:- War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Guddiyadda Dastuurka Oo Kusoo Gaba-gaboobay Garoowe (Akhriso)

GAROOWE(IDIL NEWS)-War-Murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirka Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

War-murtiyeedka Madasha oo ka Koobnaa 7 Qodob, ayaa waxaa si Qoto dheer looga hadlay 5 Cutub ee looga Arrinsaday intii Shirku Socday, Iyadoona Madashu ay Bogaadin u dirtay cid kasto Gacan ka geysanaysa Dhameystirka Dastuurka

Madasha Guddiyadda Dastuurka ayaa Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyadda ugu baaqday in ay si deg deg ah u dhameeyaan Khilaafka ka dhex taagan si loo soo Afjaro dib u eegista dastuurka.

Ugu Dambeyntii Madasha ayaa Mahad-naq balaaran u Jeedisay Puntland oo Markii 2-aad Marti-gelisay Shirkan, Iyadoona Sheegay in puntland ay door muhiim ah ku lee dahay Dowladnimada Soomaaliya.

Daawo.

Akhriso War-muriyeedka kasoo baxay Shirka.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.