Video:-12-KA OKTOOBAR MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED

Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.
 
Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.
 
Midibka cadaan-ka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo,Buluugana wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, Bada, Crka iyo Dhulka. Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka Biyaha oo ah Aasaaska Nolosha.
 
Xiddigta cad ee Bartanka kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jacalkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub iyo Itoobiya.
 
Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya ayaa dalka Soomaaliya u kala qeybsaday shan qeybood oo kala ahaa:
 
1- Koonfurta Soomaaliya oo hada ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fdaaraalka ee kala ah..Puntland,Galmudug,Hir-shabelle,Jubaland iyo koonfur-Galbeed oo xiligaasi uu gacanta ku hayey gumaystihii Talyaaniga.
 
2- Waqooyi Galbeed oo uu hada ka dhisan yahay maamulka Somaliland, oo uu gacanta ku hayey Gumaystihii Ingiriiska.
 
3- Soomaali Galbeed oo hadda loo yaqaan Soamli State oo Itoobiya gacanta ugu jirta.
 
4- Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingiriiska.
 
5- Jabuuti oo xiligaasi uu gumeysanayey Gumaystihii Faransiiska..
 
 
Isku soo wada duuboo Maxamed Cawaale Liibaan waxuu mudan yahay in loo dhsio Taalo lagu soo xasuusto,waxaana si gaar ah bogaadin umudan shacabka Gobolka Mudug oo ah kuwa kaliya ee xusay magacii halyeey Cawaale uguna magacdaray garoonka Kubada cagta ee Gaalkacyo,hoos ka daawo xuska astaanta Calanka.
Halkan ka daawo muuqaalka