XOG-WARAN:- Boqortooyadda Sacuudiga Oo Farriin U Soo Dhiibtay Ra’iisulwasaare Kheyre, Dhaqaale badana Soo Siisay.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta soo Gaba-gabeeyay Booqasho Labo Maalmood qaadatay oo uu ku Joogay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, kaddib Casuumaad uu ka helay Boqor Salmaan.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Riyadh Kulamo gaar gaar ah la yeeshay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Maxamed Bin Salmaan, Iyagoona ka wada-hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Doorka Dhex-dhexaadnimada ah ee ay DF Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Kulamada dhexmaray Ra’iisulwasaare Kheyre, Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyadda, si gaar ah Diirada loogu saaray Doorka dhex-dhexaadnimada ah ee ay Villa Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka Dalalka ay Hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta kala dhaxeeya Dowladda yare e Qatar.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa la Sheegay in kulan dheer oo uu la qaatay Ra’isulwasaare Kheyre uu si adag ugala hadlay Dhab ahaanta in DF Soomaaliya ay dhex-dhexaad ka tahay Khilaafka ka dhaxeeya Iyaga iyo Qatar.

Waxaa uu Sheegay in aysan aheyn wax Qarsoon in Villa Soomaaliya ay tahay Goob loogu Shaqeeyo Doxa, maadama Xubno sare oo kamid ah Jaajuusiinteeda Soomaalida ah ay Madax sare oo la Qadariyo ay ka yihiin Madaxtooyadda, taasna aysan marna ka Aqbali doonin DF Soomaaliya.

Amiir Maxamed Bin Salmaan, ayaa Ra’iisulwasaare Kheyre u Sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaga adeegay Talooyin ay u soo Jeediyeen iyo inuu Muujiyo Dhex-dhexaadnimada uu Sheeganayo, taas bedelkeena looga baahan yahay Isaga inuu Fuliyo Qorshayaasha Cadeynaya in Soomaaliya ay Dhex-dhexaad tahay.

Amiirka ayaa Ra’iisulwasaaraha XF Soomaaliya u Sheegay in aysan Macquul aheyn in Sacuudigu uu Taageero siiyo Cadowgiisa, waxaana uu ku Cel-celiyay in Boqortooyaddu ay soo Garab Istaagtay Xiliyo Adag Shacabka iyo Dowladihii soo maray Soomaaliya.

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa la Sheegay inay Dhaqaale soo siisay Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre, kaas oo lagu Sheegay Sharfid, waxaana Boqor Salmaan-ka Sacuudiga uu Dhankiisa kula dar-daarmay Ra’iisulwasaare Kheyre in DF Soomaaliya ay ka Shaqeyso Dhowrista Dowladnimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa aad Ula socday Villa Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, kuwaas oo haatan tuhun ka qaaday Ra’iisulwasaare Kheyre, waxaana Wararku ay Sheegayaan in Xubno sare ay wadaan in Go,aan uu ka qaato Arrintan Madaxweyne Farmaajo, kaas oo Xadidaya Tillaabo kasta oo uu la yimaado Ra’iisulwasaare Kheyre.

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, ayaa ku caan baxday isku dhufashada Madaxweynayaashii iyo Ra’iisulwasaarayaashii soo maray Soomaaliya, Iyadoona dadka Odorasa Siyaasadda Soomaaliya ay Sheegeen in Xiligan ay u nugul yihiin Madaxda Villa Soomaaliya in ay Is qabtaan.

Xog U Gaar Warbaahinta Caalamiga ah ee Idil News.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.