Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay In Labada Sano ee u Hartay Uu Kusoo Afjarayo Al-Shabaab (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo gaaray Maanta Degmada Marka ee Gobalka Shabellaha hoose, ayaa Sheegay in Dowladiisu bilaabeyso Dagaal Saf balaaran ah oo ay Al-Shabaab uga xoreynayso Deegaanada ay heystaan.

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad u Jeedinayay Shacab isigu soo baxay Fagaare ku yaalla Magaalada Marka, ayaa ugu horeyn u mahad-celiyay Shacabka Marka, oo uu Sheegay inay Ciidamada ka garab siiyeen inay Al-Shabaab ka saaraan Magaaladaas.

Waxaa uu Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Marka ay sii Xoojin doonaan Howl-galadooda si Al-Shabaab Looga Xoreeyo Deegaanada ay ka Joogaan Gobalka Sh/hoose iyo Guud ahaan Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Sheegay in 2 Sanno ee u hartay Dowladda uu Hoggaamiyo ay la Dagaalami doonaan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Iyagoona ka sifeyn doona Guud ahaan Dalka.

Madaxweynaha ayaa Carabka ku adkeeyay in aysan dhici doonin in Ciidamada Milateriga Dowladda ay baneeyaan Deegaanada ay ka Qabsadaan Kooxda Al-Shabaab, taas oo ah Dhaqan ay caan ku yihiin Ciidamadu.

“Xorayntu waa soconaysaa dagaaalku wuu soconayaa, ilaa aan ka adkaano wuxuushtan khawaarjita ah, oo aan islaan ahayn, oo aan Alle aqoonin, oo Soomaalinimo lahayn , oo wadaniyad lahayn, dib u xorayntu way socon inta aan dalka dhan xoraynayno, sida aan Marka u xoraynay ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Ugu Dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab Istaagaan Ciidamada, si ay u Sahlanaato in laga Guuleysto Maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo uu Sheegay inay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ma aha Markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Farmaajo uu ku dhawaaqo Dagaal Culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, Isagoona Markii la doortay uu Balan-qaaday in Labada Sanno ee Dowladiisa ugu horeysa uu Al-Shabaab kaga sifeyn doono Dalka.

DAAWO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.