Isimada Gobalada Sool, Sanaag Iyo Cayn Oo Kulamo Aan Caadi aheyn Ku Leh Garoowe.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Isimada Gobalada Sool, Sanaag Iyo Cayn, ayaa Kulamo aan Caadi Aheyn ku leh Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kuwaas oo looga Arrinsanayo Doorashooyinka Puntland kusoo Fuud leh Iyo Maqnaanshaha Dhulka ay ugu Magaca dheer tahay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobalka Sool.

Kulamadan u socda Isimada Gobalada SSC, ayaa soo Bilowday Saaka, Iyadoona uu Shir Guddoominayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Isimka ugu Weyn Gobalada SSC.

Warar lagu Kalsoon yahay ayaa Sheegaya in Isimada Gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay Qaadacayaan ka Qeyb-galka Doorashada la Filaya inay Puntland ka dhacdo 8 Bisha January ee 2019-ka, Iyagoona ku xiri doona Shuruudo Adag.

Isimada uu Hoggaaminayo Garaad Saleebaan, ay la sheegay inay ku Dhawaaqi doonaan in aysan Qeyb ka noqon doonin Doorashooyinka Puntland, illaa laga Xoreeyo Dhulka Maqan ee Puntland, gaar ahaan Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobalka Sool oo Gacanta Puntland ka maqan 11 Sanno.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, ayaa u Sheegay Isimada kulanka ka qeyb-galaya inay tahay waxaan la Aqbali Karin in ay Puntland ku yeeshaan Matalaada Dhul aysan Dowladdu ka Arimin oo gacanta ugu jira Maamul kasoo Hor-jeeda Jiritaankeeda (Somaliland).

Isimada ayaa la Filayaa in Marka uu soo Gaba-gaboobo Kulankooda, inay kasoo saaraan War-murtiyeed, kaas oo lala Wadaagi doono Warbaahinta.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.