Shirka Golaha Iskaashiga D/gobaleedyada Oo Si Rasmi ah Uga Furmaya Jimcaha Garoowe (Akhriso Xog Ku Saabsan)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid, Iyadoona lagu waday inuu maanta ka Furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Dib-u-dhacan maanta ku yimid Shirka ayaa la Sheegay inay ka dambeysay kaddib Markii Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay Isla gaareen in Maalmo dib loo Dhigo Shirka Arrimo Farsamo Awadood.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa u Sheegay IdilNews.com in Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyadu uu Furmi doono Maalinimada Jimcaha oo ay Taariikh-du ku began tahay 19 Bishan October.

Waxaa ay Sheegeen in Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ay imaan doonaan Maalmaha Arbacada iyo Khamiista Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa inoo Xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo horey u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada Maxamed Cabdi Waare, uusan kasoo qeyb-gali doonin Shirkan, maadama uu ka baxay Golaha 19 Bishii Sept, kaddib Markii uu kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho inuu heshiis la gaaray Madaxda Dowladda Federaalka, oo balan-qaad u sameysay.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada, ayaa looga hadli doonaa Xaalada Guud ee Dalka, gaar ahaan Dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dib-u-eegista Dastuurka, Qeyb-siga Kheyraadka iyo Deeqaha Beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya.

Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Shirkii Bishii hore ee Sept, ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo waxaa ay Xariirka ugu jareen Villa Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay ku Fashilantay Amniga Iyo Siyaasadda Dalka, Iyagoona Sidoo kale Sheegay inay Fara-gelin ku heyso Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedyada.

Beesha Caalamka ayaa waday tan iyo wixii ka dambeeyay Shirkaas Dadaallo ay ku doonayso inay isigu soo dhaweyso Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, Wallow ay u Muuqdaan Dadaaladaas haatan kuwo Fashilmay.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.