DF Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay Inay Haysato Aqoon-yari Siyaasadda Arrimaha Dibedda Ah (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NES)-Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Shalay soo Saartay Qoraal ay ku Sheegtay inay garab taagan tahay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa soo baxayay Saacadihii lasoo dhaafay Eedeeymo loo Jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa ku tilmaamay Qoraalkaas mid aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya ka Fiirsan, waxaana ay Sheegeen inuu ka Muqdo Dowladda Biseyl la’aan Siyaasadeed.

Danjire Maxamed Caalim, oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo Dhuun daloola Is-bed bedelka Siyaasadda Caalamka, ayaa Sheegay in Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ee lagu Taageerayo Boqortooyadda Sacuudiga, uu ka Muuqdo Aqoon yari iyo in uusan kusoo bixin Tashi.

Amb. Caalim ayaa Sheegay in Go,aankan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhib u geysanayo Shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeedana Dowladda looga baahnaa inay ka sameyso Tashi, ayna u yeerto Dadka Aqoonta u leh Arrimaha Adag ee haatan ka dhex jira Sacuudiga iyo Dalalka ay is-hayaan.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.