Kooxda Al-Shabaab Oo Weerar Culus ku Qaaday Magaalada Jowhar.

JOWHAR(IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa Sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ay Xalayto Weerar culus ku Qaadeen Barkantarool oo ku taalla Koonfurta Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa Sheegaya in Xoogaga Al-Shabaab ee Weerarka Qaaday uu Iska hor imaad dhex maray Iyaga iyo Ciidamada Ilaalada Kantaroolka, waxaana la Xaqiijiyay Dagaalkaas uu ku dhintay Hal Askari, mid kalana uu ku dhaawacmay.

Barta koontarool ee Kooxda Al-Shabaab ay weerartay ayaa waxa ay ku taal meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Hirshabelle oo uu degen yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,Guriga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Weerarka ay Al-Shabaab  ku qaadeen xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa imanaya iyadoo shalay ay magaalada Jowhar gaareen wafdi u horkacayo Ra’iisul Wasaare Kheyre kuwaasoo ay kamid ahaayeen Wasiira Amniga iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.