Madaxweye Xaaf Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)

GAALKACYO(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Gaalkacyo kusoo Dhaweeyay Maamulka Gobalka, Kan Degmada, Waxgaradka, Dhalinyarada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa Mahad-celin u jeediyay Masuuliyiintii iyo Shacabkii soo Dhaweeyay, Isagoona Sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay inuu yimaado Gaalkacyo oo Barwaaqo iyo Nabad ka jirto.

Safarka Madaxweyne Xaaf uu ku tagay Magaalada Gaalkacyo, ayaa kusoo aadaya Xilli uu Meel xun Marayo Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex Aloosan Madaxda Sare ee Maamulka Galmudug, Iyagoona u kala jabay Labo garab oo kala degan Dhuusamareeb iyo Cadaado.

SAWIRRO.

 

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.