Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Oo Ahmed Shide U Magacaabay Wasiirka Maaliyadda (Akhriso)

ADDIS ABABA(IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa dib u habeyn ku sameeyay Golihiisii Wasiirada, Isagoona Dhimay Tirada Golaha Wasiirada Itoobiya.

Ra’iisulwasaare Abiy ayaa Tirada Golaha Wasiirada Itoobiya oo horey u aheyd 28 Wasiir, kusoo koobay 20, waxaana uu Xubnaha uu u Magacaabay Wasaaradaha Sare kasoo Muuqday Ahmed Shide oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Mr. Abiy ayaa Ahmed Shide oo horey u ahaa Wasiirka Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta Dowladda, u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, halka Wasaaradda Arrimaha Dibedda loo daayay Dr Workneh Gebeyehu oo horey u Hayay.

Sidoo kale, Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa Golihiisa Wasiirada ee Cusub 50% ka dhgay Dumar, taas oo ka dhigaysa Taariikh-da Itoobiya Markii u horeysay oo Golaha Xukuumaddu ay noqdaan kala bar Haween.

Ra’iisulwasaaraha ayaa Sidoo kale Abuuray Wasaarad Cusub oo la yiraahdo “Wasaaradda Nabadda”, Iyadoona Wasiir looga dhigay Muferiat Kemal, oo aheyd Afhayeenka Baarlamanka, balse Markii Liiska Golaha cusub uu Magaceedu kasoo Muuqday, ku dhawaaqday inay Is Casishay.

Mr. Abiy Ahmed Ali oo xilka Qabtay bishii April ee Sanadkan, Kaddib Markii sanado Deganaansho la’aan siyaasadeed ah ay ku qasbeen Ra’iisulwasaare Hailemariam Desalegn inuu is-casilo, ayaa dib u habeyn ku sameeyey golaha wasiirada si uu uga dhigo mid loo dhan yahay.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.