Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Wariye Jamaal Khashoggi & Trump Oo La Hadlay Boqor Salman.

ISTANBUL(IDIL NEWS)-Saxafiga u dhashay Boqortoyada Sacudi Carabiya  Jamal Khashoggi ayaa galay qunsuliyada uu Sucudigu ku leeyahay Istanbul 2dii bishan Oktoobar si  uu ugaga soo qaato dukuminti cadeynaya inay kala tageen xaaskiisii,hase yeeshee illaa iyo maalintaas ayaa la la’ yahay saxafigan.

Ilo ku dhow dhow dowlada Turkiga ayaa u sheegay warbaahinta in dowlada Turkiga ay rumeysan tahay in saxafigan lagu dhex diley qunsuliyada. Hase yeeshee xukuumada Sacudi Carabiya ayaa beenisay warkaas waxana ay sheegtay in saxafiga uu ka soo qaatay qoraaladii uu u baahnaa qunsuliyada.

Maraykanka oo diyaar u ah in uu ka qeybqaato baaritaanka Khashoggi

Golaha ammaanka ee dowlada Maraykanka ayaa baahisay qoraal ay ku dalbanayso in ay ka qeyb noqoto baaritaanka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay saxafiga Sacudiga ka soo jeeda ee Jamal Khashoggi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dowlada Sacudi Carabiya ay ka caawiso maamulka Turkiga sidii loo sameyn lahaa baaritaan hufan isla markaana lagu soo bandhigo natiijada ka dhalata baaritaanka.

Baarayaal Turki ah  oo gudaha u galay qunsuliyada Sacudiga

Baarayaal ka socda Booliska Turkiga ayaa gudaha u galay qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul kadib ku dhowaad labo toddobaad markii la waayay Khashoggi.

Hase yeeshee baarayaashan Turkiga ah ayaa waxaa ka horeeyay koox ka socotay boqortooyada Sacudi Carabiya. Diblumaasiyiin Turki ah ayaa  waxa ay sheegeen in qunsuliyada ay si wadajir ah u baari doonaan koox isku dhaf ah oo ka socda Turkiga iyo Sacudiga.

Sacudiga oo laga yaabo inuu qirto dilka Khashoggi

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacudi Carabiya ay isu diyaarinayso in ay soo saarto warbixin ay ku sheegeyso in la diley Khashoggi,balse dilkiisa uu ahaa mid aan lagu talogalin balse markii su’aalo la weydiiyay uu la dagaalamay xubno ka tirsan sirdoonka Sacudi Carabiya.

Madaxweyne Trump oo taleefan kula hadlay Boqor Salman

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa  ku soo qoray boggiisa Twitterka in uu la hadlay Boqor Salman balse Boqorka Sacudiga uu u xaqiijiyay inuusan waxba kala socon arrinka Khashoggi. Trump ayaa sheegay inuu xoghayihiisa Arrimaha Dibbadda si dhaqso ah ku booqan  doono magaalada Riyadh si uu ula kulmo boqor Salman.

Isagoo la hadlayay weriyaal kadib markii uu taleefanka kula hadlay Boqor Salman ayuu Trump sheegay in uu boqorka aad ugu adkaa beeneynta ah inaysan mas’uul ka ahayn “Waxa laga yaabaa in kuwa dilka geystey ay ahaayeen kuwo aan cidna ka amar qaadan,”ayuu yiri Trump.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.