Xasan Sheekh Oo Dhaliil U Jeediyay Dowladda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

LONDON(IDIL NEWS)-Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dadka xukuumada aan ku jirin inay saaran tahay masuuliyad wadareed, balse masuuliyadda gaarka ah saaran tahay Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Xassan Sheekh ayaa sheegaya in dowladda looga baahan yahay inay la timaado Siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto Mucaaradka, islamarkaana ay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay, wixii ay ku hormartayna lagu amaano.

“Dadka Xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda, waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah” ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wax xun aheyn Hanaanka Mucaaradnimada, loona baahan yahay in dowladda loo sheego hawlaha ay ka gaabisay, si ay horey ugu sii socoto.

“waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqradi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”. ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Xassan Sheekh Maxamud, Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqay Xisbi cusub, kaas oo ay ku Mideysan yihiin Xisbiyo, Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaano kamid ah Labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo Dhaliisha qaabka ay wax u wado Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.