Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Shaaciyay (Akhriso)

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye ayaa magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo Guddigan uu diyaarin doono doorashada dhici doonta bisha soo socota.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa soo saari doona jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed,  oo lagu wado inay dhacdo bisha soo socota ee November, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay taagan yihiin.

Akhriso Waraaqda Magacaabista Guddigan.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.