Ra’iisulwasaare Kheyre Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shakuut, kaddib soo jeedin ka timid Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka.

Waraaqdan kasoo baxday Ra’iisulwasaare Kheyre, laguma Sheegin Sababta ka dambeysa in Shaqo Ka Joojin lagu Sameeyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana wararku sheegayaan in Mr. Shaakuut loo heysto Dambiyo uu kamid yihiin Musuq-maasuq.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa ku War-geliyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu si Hufan, waafaqsana Dastuurka Dalka uu u guto Waajibaadkiisa.

Daawo Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta XF Soomaaliya Oo Akhrinaya Xil Ka Qaadista.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.