Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea Oo Gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Wafti heer sare ah oo ay Hoggaaminayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada XF Soomaaliya, Iyadoona Ujeedada Booqashada Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea lagu Sheegay inay kulamo la yeeshaan Dhigooda Soomaaliya, si ay uga wada-hadlaan sidii loo soo Afjari lahaa Xiisada ka dhex taagan Dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Sidoo kale, Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea, ayaa la filayaa inay la Kulmaan Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo qeyb ka ah Dadaalka lagu xalinayo Xurgufta Dalalka Djabuuti Iyo Eritrea.

Hoggaamiyeyaasha wadamada geeska Afrika ayaa bilihii la soo dhaafay waday dadaallo lagu soo af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi bedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

SAWIRRO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.