Akhriso:- Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Dalbaday Madaxweyne Farmaajo Inuu 3 Beri kusoo Cadeeyo Mowqifkiisa Khilaafka DF Iyo DG (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilahi, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Dadaaladii uu Aqalka sare ugu jiro Xalinta Khilaafkan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Sheegay in Golaha Aqalka Sare uu Guddi u diray Caasimadaha Dowlad Gobaleedyada si ay ula Kulmaan Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Sidoo kalena ay Warbixino uga soo Aruuriyaan.

Waxaa uu Sheegay in Guddiyadaasi ay sidii la faray yeeleen ayna lasoo Kulmeen Madaxda Dowlad Gobaleedyada, ayna soo dhageysteen Cabashooyinkoodii, sidoo kalena Golaha kusoo Cesheen Warbixinadii ay soo Aruuriyeen.

Guddoomiyaha ayaa Sheegay in intaas kaddib uu Golaha Aqalka Sare Cabashooyinkii u gudbiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayna ka War wareegtay, Sidoo kalena illaa hada aysan ka heyn wax Jawaab ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka dalbaday Madaxweynaha DF Soomaaliya Farmaajo inuu Muddo Saddex Maalmood Gudahood ah uu kusoo Cadeeyo Mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo inuu diyaar u yahay dhex dhexaadinta Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdillahi, ayaa Sheegay in Goluhu uu Madaxda Dowlad Gobaleedyada ka baajiyay Labo jeer Shirka ay yeelan lahaayeen, Isagoona uga Mahad-celiyay sida Ixtiraamku ku jiro ee Madaxdu uga Aqbashay, waxaana uu Sheegay in hadda ay ka aamuseen maadama aysan weli wax jawaab ah ka la yihiin Xukuumadda.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa kusoo aadaya Xilli Maalinimada berito ah uu Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland uu ka Furmayo Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada, Iyadoona Garoowe ay Hada ku wada Sugan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo maanta gaaray.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.