Madaxweynaha Galmudug Oo Ka Hadlay Waxa uu kusoo Arkay Wadada Xariirisa Gaalkacyo-Garoowe (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo Saaka Safar Dhulka ah uga soo Amba baxay Magaalada Gaalkacyo ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo Saacad ka hor soo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Xubno kamid ah Labada Gole ee Puntland iyo Shacab Fara badan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ka hadlay Socdaalkiisii uu kusoo Maray Wadada Xariirisa Gaalkacyo iyo Garoowe, ayaa Sheegay in uu soo Arkay Dhul Barwaaqo iyo Nabad taal.

Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa Sheegay inuu kusoo Istaagay Deegaano u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe, ayna kasoo Qadeeyeen Isaga iyo Waftiga la socday Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa Qiray in aysan jirin Ciidamo badan oo Waardiyaynayay intay Safarkooda kusoo jireen, waxaana uu Tilmaamay in hadii Dhulka Soomaaliya oo dhan uu sidaa ahaan lahaa in uusan Raaci laheynba Diyaarad.

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa Berri ka Furmaya Caasimadda Puntland, waana Shirkii 4-aad oo Goluhu yeelanayo, kana dhacaya Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.