Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Cafis Ka Dalbaday Shacabka Soomaaliyeed (Daawo)

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Maansuur, oo kamid ah Musharixiinta u taagan Hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Cafis ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa Aas aasayaashii iyo Saraakiisha Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana uu Sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato badan u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, haatana ay ku hayaan weli.

Sidoo kale, Roobow ayaa Sheegay in hadii uu ku guuleysto Hoggaaminta Deegaanada Koonfur Galbeed uu ka Sifeyn doono Kooxda Al-Shabaab, uuna si weyn ula dagaalami doono, hadalkan ayuu Sheekh Roobow ka Sheegay xilli uu shalay Masjidka Jaamaca ee Magaalada Baydhabo uu uga qeyb-galay Salaada Jimcaha.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.