Madaxweyne Xaaf “Hadii Galmudug ay Gubato Walahay aysan Xamar Nabad ahaaneyn” (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo Khudbad ka Jeedinayay Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ee maanta ka Furmay Magaalada Garoowe, ayaa ku Eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka inay Dhibaato ku hayaan Jiritaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay yihiin Dad aan aqoon u laheyn Soomaaliya oo Qurbaha ku noolaa 30 Sano, aysana garanayn Maamulka Dalka, kuna tunteen Dowladnimadii yareed ee Soomaaliya ka hir-gashay intii Wadanku uu qaatay Nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Xaaf ayaa Xusay in Madaxda Dowladda Federaalku ay Weerar cad ku soo Qaadeen Dowlad Gobaleedyada oo ay kamid tahay Galmudug, ayna ku hayaan Dhibaato, Isagoona Sheegay in hadii aysan ka deyn Galmudug Fara-gelinta iyo Bur-burinta aysan Muqdisho Nabad ahaaneyn.

“Nin ayaa ka Dhawaajiyay in Soomaaliya hada loo Qabto Shirweyne Dowladna loo dhisaa, Dowladda hada dhisan Ma Shaqeynayso mana shaqeyn karto, Hada way soo Koobmatay Wadada Makka Al-Mukarama hada waxaa uu Maraya Sayidka oo Villa Soomaaliya ku dhow, Intii kalana Faraha ayay ka baxday, Canshuurtana Shabaabkuna waxay ka qaadaan Hotel Makka Al-Mukarama, Bakaaraha iyo Xamar weyne, Waxaana u Sheegayaa Madaxda Federaalka in Walahay Hadii ay Gubato Galmudug, aysan Xamar Nabad ahaaneyn” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mr. Xaaf

Madaxweynaha Galmudug ayaa u soo Jeediyay Golaha Iskaashiga in la Sameeyo Ciidamo Isku dhaf ah oo laga kala keenay Dowlad Gobaleedyada si layskaga kaashado Amniga, ayna ula Dagaalamaan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab,.

“Si la isaga kaashado sugidda amniga Dalka, Waxaan dhiirigelinayaa in la helo ciidamo isku dhaf ah oo Dawlad-Goboleedyadu leeyihiin” Sidaas waxaa yiri Mudane Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geella Xaaf.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay Wajaheyso Xaalad adag, oo ay tahay markii ay ugu liidatay in muddo ah oo uu arko, Isagoona Qiray in Shaki uga jiro in Dowladnimada Soomaaliya ay sii jiri doonto 5 Sano ee soo socota.

Madaxweynaaha Dowladda Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u turaan Dalkooda ayna Iska Celiyaan Kooxda ku sugan Villa Soomaaliya ee Khal-khalka iyo Bur-burinta ku wada Dowladnimada yare e ay Heleen Shacabka Soomaaliyeed Sanadihii ugu Dambeeyay.

Daawo Khudbada Madaxweynaha Galmudug Mr. Xaaf.