Golaha Iskaashiga D/gobaleedyada Oo U Jawaabay Dowladda Federaalka (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada, ahna Wasiirka Dastuurka K/galbeed C/llaahi Sheekh Xassan, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa si adag ugu jawaabay War-saxaafadeedkii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeen C/llaahi Sheekh ayaa Sheegay in wax lala yaabo ay tahay Waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee looga hadlay Doorashooyinka kusoo Food leh Dowlad Gobaleedyada iyo Gogasha uu Fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeenka ayaa ugu horeyn ku Dhaliilay Dowladda Federaalka inay Fara-gelin ku hayso Doorashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayna Musharixiin, Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo geysay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu Sheegay in Dowladaha Puntland iyo Koonfur galbeed ay yihiin Dowlad Gobaleedyo horteed soo jiray oo hanaan iyo Dowladnimo badiyaan Madaxda Hoggaamisa kuwa jooga Villa Soomaaliya, ayna tahay wax lagu qoslo in DF oo Muqdisho dhaafi la inay tiraahdo waa in Waqtigoodii ku dhacaan Doorashooyinka Dowlad Gobaleedyada.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada C/llaahi Sheekh Xasan, ayaa sidoo kale wax laga naxo ku tilmaamay in Waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha in lagu soo qoro Arrimaha la xariira gogasha uu Fidiyay Madaxweyne Farmaajo oo uu Sheegay inay kasoo hor-jeeda Hanaanka Dowliga ah.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.