Dowladda Puntland Oo Ku Eedeeysay Dagaalka Dhumay Somaliland, Baaqna U Dirtay Isimada (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta Dowladda Puntland C/llaahi Xirsi Tima-cadde iyo Cabdi xirsi cali qarjab, ayaa si adag uga hadlay Dagaal ka socda Deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool, kaas oo u dhaxeeya Beelo walaalo ah.

Wasiir Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland, ayaa ku Eedeeyay Maamulka Somaliland inuu Hurinayo Dagaalkan oo intii uu socday sababay dhimashada dad ka badan 40 Ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirada ayaa ugu baaqay Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool, inay joojiyaan Dagaalkan ayna isigu yimaadaan Wada-hadal, Iyagoona ka codsaday Isimada Puntland inay u kacaan Daminta Colaadan oo soo noq-noqatay.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.