Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome Oo Berri Kursiga Baneynaya (Akhriso)

ADDIS ABABA(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Itoobiya Mulatu Teshome, ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Maalinmada Berrito ah inuu baneeyo Kursiga, Isagoona Is Casilaadiisa u gudbiyay Baarlamaanka Dalkaas.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa la filayaa inay Berri yeeshaan Kulan aan Caadi aheyn, Iyagoona sida la sheegay Aqbali doona Is Casilaada Mr. Mulatu Teshome, Sidoo kalena Dooran doono Madaxweyne Cusub.

Wararka aan ka helayno Addis Ababa ayaa Sheegaya in Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed uu dadaal ugu jiro sidii uu Kursiga u Fadhiisan lahaa, Madaxweyne ay isku rayi yihiin.

Mr. Mulatu Teshome, ayaa Xilka Madaxweynaha Dowladda Itoobiya hayay tan iyo 7 October 2013-kii, Isagoona qeyb kasii ahaan doona Dadaalada lagu hormarinayo Siyaasadda iyo Xoriyadda hadalka dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Itoobiya, ayaan laheyn awood badan, Iyadoona uu ka Xoog badan yahay Ra’iisulwasaaraha, sida uu qeexayo Dastuurka Dalka Itoobiya.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.