Guddoomiye Cabdi xaashi “Waraaqda Kasoo Baxday Villa Soomaaliya, Madaxweynuhu Ma Soo Qorin”

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta ka hadlay kulanka Golaha aqalka sare ayaa eedeyn u soo jeediyay Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxana uu ugu baaqay inay isu tanasulaan oo eegeen shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u muuqday in uu quus ka taagan yahay sidii loo xalin lahaa khilaafka sii dheeraanaya ee u dhexeeya dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa si gaar ah ugaga hadlay warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo, taasoo markale ku socotay Dowlad Goboleedyada.

Gudoomiyaha aqalka sare ayaa ku tilmaamay warqadaas in uusan Qorin Madaxweynaha, islamarkaana ay qortay gacan seddexaad oo uusan magacaabin.

Sidoo kale, Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada aysan raali ka aheyn in la dhex dhex-dhexaadiyo Muranka ka dhex taagan.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.