Taliyaha Guud Ee Ciidamada Difaaca Puntland Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Puntland.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen. Saciid Dheere, ayaa Sheegay in Is Sharaxaadiisa ay ka dambeysay kaddib Markii uu arkay in Sareyntii Sharciga uu Hoos u dhac ku yimid, Sidoo kalena ay liitaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bushada Puntland.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in Musharaxnimadiisa ay ku timid Talo soo Jeedin uga timid Shacabka Reer Puntland, Isagoona tilmaamay in Marxalada Puntland haatan ay Mareyso ay tahay mid u baahan Waayo Aragnimo iyo Aragti Fog.

Gen. Siciid Dheere Ayaan ku dhawaaqin inuu Iska Casilay Xilka Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland, waxaase Warar hoose oo Muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo dhacay Warqabadkeena ay Sheegayeen in Generaalku uu Muddo ka hor Madaxweynaha Dowladda Puntland u Gudbiyay Waraaqda Is-tiqaalada.

Dhanka kale, Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 45-aad ayaa Oranaya “Dadka ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee aan Howlgabka aheyn iyo garsoorayaashu xubin kama noqon karaan xisbiyadda siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka”

Ku Dhawaaqista Musharaxnimada Gen. Siciid Dheere ee Maanta ayaa kusoo aadaysa Xilli si weyn loo hadal hayay Bilihii ugu Dambeeyay in Generaalku uu doonayo Hoggaanka Saree e Puntland 2019-ka.

DAAWO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.