Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Xafladda Qalin Jebinta 6-aad ee Jaamacadda East Africa Garoowe (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 Oct 2018 ka qaybgalay xafladda qalinjebinta ardayda dufcadda lixaad ee Jaamacadda East Africa faraceeda Garoowe oo ay ka qalin bedesheen 150 arday.

Xafladda qalinjebinta ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Puntland Abshir Aw. Ayuusuf Ciise, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, aqoon yahano, waalidiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeyey ardayda qalinjebisay dedaalka wakhtiga dheer qaatay ee ay ku bixiyeen inay maanta soo gaadhaan heer qalin bedelesho, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey waalidiinta ardaydani Kala qayb qaatay dedaalkooda waxbarasho.
“Ugu horayn hambalyo ayaan leeyahay ardayda qalinjebisay, afarsano oo waxbarasho ah, imtixaanad ah, dedaal leh ayaad soo marteen, taas ayaa la qiimaynayaa, runtii wax hawlyar ma aha halganka aad usoo marteen maanta inaad guushan gaadhaan, waxaan u hambalyeynaynaa sidoo kale waalidiinta kusoo tabcay ardayda oo lagayaabee qaarkood inay duruufo adag lasoo mareen inay heerkan soo gaadhsiiyaan dhalaankooda bogaadin ayay mudan yihiin runtii” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay ardayda ayaa sheegay in waxbarashadu aanay dhaamaystirin wax kasta oo noloshu ku salaysan tahay balse ay tahay furaha laga galo waxkasta, Isla markaana ay qofka kala garadsiiso waxa san iyo waxa aan wanaagsanayn.
“Waxbarashadu ma aha hadafka koowaad ee nolosha, waxa weeye furihii iyo farsamadii aad noloshiina wax kaga bedeli lahaydeen, waa furihii iyo farsamadii aad dalkiina iyo dadkiinaba wax kaga bedeli lahaydeen, ma aha waa qalinjebiyey oo hawli halkaas ayay ku eg tahay, shaqo hadda ayay kuu bilaabatay dedaalna haddaa lagaa rabaa, qofkasta oo waxbartay wuxuu rabaa inuu dalkiisa horumar u horseedo, balse waxaa la rabaa inaan laga daalintaas oo furihii horumarka aad noqotaan idinku” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardayda u iftiimiyey in tegnoolajiyaddu tahay maanta waxa ay ku horumareen wadamada barwaaqo sooranku, iyadoona Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya iyo Africa oo dhammi u baahan tahay sare u qaadidda xirfadaha kala duwan ee tegnoolajiyadda, isagoona xusay in Dowladda waa jib ka saaran yahay inay abuurto jewigii lagu gaadhi lahaa in la helo farsamooyin casri ah.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo masuuliyiintii kale oo iyaguna ka hadlay munaasibadda ayaa iyana dhankooda la dardaarmay ardayda, waxayna ku booriyeen inaanay ka daalin dagaalka ay kula jiraan jahliga iyo dedaalka ka ay ku horumarinayaan aqoontooda iyo khibraddooda.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad kula dardaarmay ardayda inay dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen, Isla mar ahaantaana madaxweynaha ayaa Alle uga baryey ardaydii qalinjebisay inuu u barakeeyo cilmigooda, kana yeelo kuwii dhanka wanaagsan ugaga faa’iidaysta aqoonta ay barteen.
DAAWO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.