Madaxweyne Farmaajo Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Madaxda Dowlad Gobaleedyada (Daawo)

JUBBA(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa weerar afka ku qaaday Dowlad goboleedyada, isagoo ku eedeeyay inay faraha kula jiraan shaqo aanay awood u laheyn.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada Jubba ayaa sheegay in dowlad goboleedyada shaqada looga baahan yahay ay tahay in deegaanada ay mas’uulka ka yihiin gaarsiiyaan adeegyada aas aasiga ee dadka u baahan yihiin, sida waxbarasho, caafimaad, ceelal biyo loo qado, canshuuraha uruuriyaan, taasoo xusay inay tahay nidaamka Federaalka ee Adduunka ka jiro.

Mr. Farmaajo ayaa waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxda Dowlad goboleedyada ay faraha la soo galaan siyaasadda arrimaha dibadda oo gaar ah.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ku duray Dowlad Goboleedyada ayaa loo arkaa mid sii fogeynaya khilaafka ka dhex taagan dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo dhowaan Madaxweynuhu ku baaqay gogol uu u dhigayo Dowlad Goboleedyada, si loo xaliyo tabashooyinka ay qabaan.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.