Siciid Diiriye Oo Eedeeyn Ujeediyay DF Soomaaliya, Baaqna U Diray Shacabka Puntland (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Siciid Diiriye (Daba-gub), oo kamid ahaa Aas aasayaashii Dowladda Puntland ayaa ka hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Gobaleedyada, Isagoona Eedeeyn u jeediyay Dowladda Dhexe.

Siciid Diiriye ayaa ugu horeyn ka Sheekeeyay Dhismihii Dowladda Puntland, Sida uu ku yimid iyo Dhibaatadii laga soo Maray, Waxaana uu Sheegay in Halka Puntland maanta ay joogto aysan ku imaan Dheel-dheel iyo Ciyaar, balse loo soo maray Halgan dheer oo Sababay Dhimasho iyo Bur-bur Hantiyeed.

Mr. Siciid ayaa xusay in ay tahay Wax lala yaabo Waxa haatan Socda iyo Hab-dhaqanka Dowladda Federaalka ee Xamar oo uu Sheegay inay dooneyso Bur-burinta Hanaanka Dowliga ah ee 20 Sano jirsaday eek a jira Deegaanada Puntland.

Waxaa uu Sheegay inay taas ay tahay Riyo Horey u rumoobi weyday, balse ay ku daali doonaan, Isagoon ugu Baaqay Shacabka ku nool Deegaanada Puntland inay Ilaashadaan Midnimada iyo Wadajirkooda.

DAAWO.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.