Daawo:- Madaxweynaha Puntland Iyo Wakiilka QM oo Ka Wada-hadlay Xaalada Soomaaliya.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa Madaxtooyadda ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Heysom, oo soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Danjire Nicholas Heysom, ayaa kulan Albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Madaxtooyadda, Iyadoona looga hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Xiisada Colaadeed ee Deegaanka Tukoraq oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Difaaca Puntland iyo kuwa Somaliland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Gaas iyo Wakiilka Qaramada Midoobay Nicholas Heysom, ayaa markii uu Kulanku soo Dhamaaday la hadlay Warbaahinta, Iyadoona Madaxweyne Gaas uu Sheegay in kulanku intii uu socday Diirada lagu Saaray Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Haatan Cakirin iyo sidii Xal loogu heli lahaa.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.