Wasiirkii Hore Ee Amniga Oo Ku Eedeeyay Hay’adda NISA In Lagu Caburiyo Siyaasiyiinta (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay qoraal ka soo baxay Hey’adda NISA oo lagu hakiyay qandaraas la sheegay inuu saxiixay sanado ka hor.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay inuu xilka wareejiyay bishii April ee sanadkii 2017, isagoo is weydiiyay sababta xilligan looga hadlay qandaraas uu horay u bixiyay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay inuu kalsooni isku qabo, isla markaana aanay jirin qandaraas lagu bixiyay sharci daro, wax walba loo maray nidaam waafaqsan sharciga sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay is bedeshay hey’ad lagu caburiyo dadka siyaasiyiinta laguna cabsi geliyo kuwa fikirkooda ka duwan yahay dowladda, isagoo xusay inuu hadda ay socoto dhaqankii Milateriga oo ah dhaqan ka soo horjeeda dimoqraadiyadda sida uu yiri.

Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in la joojiyay qandaraas ku baxayay mallaayiin doollar, kaasoo uu bixiyay Wasiirkii hore Amniga, iyadoo arrintan baaritaan loo diray, loona gudbiyay Hanti dhowrka Qaranka.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.