Beesha Cabdile Nooleys Oo Sheegtay Inay Ku Dulman tahay Baarlamaanka Puntland, Baaqna Soo Saartay (Daawo+Sawirro)

GAALKACYO(IDIL NEWS)-Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyne), oo kamid ah Beelaha Majeerteen, ayaa Munaasabad ugu Sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, Beelaha Majeerteen ee Gobalka Dega, waxaa ay kaga hadlayeen Dulmi ka heysta Kuraasta Golaha Wakiilada Puntland oo 20-kii Sanno ee Dowladda Puntland jirtay aysan ku yeelan Wax Matalaad ah.

Nabadoonada Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyne), oo intii Munaasabadu socotay Hadalo ka Jeediyay, Ayaa Sheegay In aysan Baarlamaanka Puntland Ku yeelan hal Xubin Intii Ay Puntland Jirtay.

Nabadoon Qooje Saleebaan Aw-cali, oo kamid ah Odayaasha Beesha Daanweyne ayaa Sheegay in Puntland lagu aas aasay Baarlamaankeeda 66 Xubnood, Iyadoona labo kamid ah la Siiyay Beelaha loo yaqaan Baho-majeerteen ee Dega Gobalka Mudug si ay ugu Tareestaan, waxaana uu Sheegay in taas aysan dhicin oo ay weli Joogaan Beelihii Xiligii Puntland La Aas aasay Kuraastaas ku Fariistay.

“Gogashan Waxaa Dhigta Beesha Cabdile Nooleys oo kamid ah Beelaha Gobalka Mudug, waxaana sababta ay u dhigtay tahay Cadaalad darro Qaan-gaartay, Puntland Markii la dhisay Baarlamaan baa loo Sameeyay 66 Xubin ah 66 Beelood ma laheyn wuxuu ku saleysnaa Gobolo, Gobal walbaana waxaa uu lee yahay wax qeyb iyo si u gooni ah oo uu wax u Qeybsado, waxaa jirta labo Xubnood oo kasoo geli jirtay 10 Xubnood ee Gobalka Mudug la siiyo oo ka dhaxeysay Beelihii ku Midoobay Magaca la yiraahdo Baho-majeerteen oo Labo Beelood ay iska heysato” ayuu yiri Nabadoon Qooje Saleebaan Aw-cali.

Nabadoon Cabdi Jaamac Kunle oo kamid ah Odaayasha Beesha Daanweyn, ayaa isna Goobta ka Sheegay in Heysashada Kuraastan ay yihiin Cadaalad darro, waxaana uu ugu baaqay Isimada Gobalka Mudug inay Kuraasta Dib loogu soo Celiyo Beelaha Wadaagta ku ah ee Baha-majeerteen, si ay iyagu Go,aan uga gaaraan Cida Qaadaneysa.

Dhanka kale, Nabadoonada Beelaha Kale Gobalka Mudug ee Munaasabadda ka Qeyb-galay ayaa Qiray in Beesha Cabdile Nooleys (Daanweyn ay Xaq u lee dahay Kuraasta Baho-majeerteen Wadaagaan ee Labada Beelo ay tan iyo Aas aaskii Puntland iska Fadhiyaan, waxaana ay ugu Baaqeen Isimada Gobalka Mudug oo uu ugu horeeyo Isimka Guud ee Gobalka “Islaan Bashiir Islaan Cabdile”, in wax laga Qabto Cabashada iyo Cadaalad darrada ay tirsaneyso Beesha Cabdile Nooleys.

Beelaha Baho-majeerteen ee Dega Gobalka Mudug oo ka kooban (6 Beelood), ayaa Mataalada 2 Kursi ku leh Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo dhan 66 Xubnood, waxaana 20 sanno ee Puntland jirtay Kuraastaas ku Fadhiyay 2 Beelood oo Kaliya, taas oo Dhalisay in Cadaalad darro ay tirsadaan Beelaha kale Kuraastan Bah-wadaagta ku ah.

Dhageyso Kulanka Beesha Cabdile Nooleys.

Daawo Kulanka Beesha Cabdile Nooleys.

 

Sawirro.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.