Taliyaha Cusub ee Ciidamada Daraawiish-ta Puntland Oo Xilkii La Wareegay (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Daraawiish-ta Dawladda Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii Hore ee Ciidamada Daraawiish-ta Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa ka Dhacday Xerada Ciidamada 54-aad ee Ku Taalla Duleedka Magaalada Garoowe, Iyadoona kasoo qeyb-galeen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland.

Taliyahii S/Guud Saciid Maxamed Xirsi, ayaa Ka Sheekeeyay Taariikh-da iyo Howl-laha Ciidamada Daraawiish-tu u hayaan Shacabka Puntland ee uu ugu Horeeyo Difaacu, Isagoona Ciidamada iyo Saraakiishaba ka Codsaday in lala Shaqeeyo Taliyaha Cusub.

Dhanka kale, Taliyaha Cusub ee Ciidamada Daraawiish-ta S/Guuto C/shakuur, ayaa Sheegay inuu sii dar-dar gelin doono Howlaha Ciidamada Daraawiish-ta, Si looga Adkaado Cadowga kusoo Duulay Puntland.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.