Guusha Taariikh-ga ah ee Ilhan Cumar Iyo Hambalyooyin Loo Diray (Daawo+Akhriso)

MINNESOTA(IDIL NEWS)-Ilhan Cumar oo ah muwaadin Somali-American ah ayaa noqotay qofkii ugu horeysay oo Somali-American ah, iyadoo qaxooti ahna timaada Maraykanka oo ku Guuleysata kursi Kamid ah aqalka Kongress-ka dalka Maraykanka.

Ilhan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ka guuleysatay Jeniifer Zielinski oo Jamhuuri ah Doorasho 6-dii bishan (Shalay) ka dhacday ee dalka Maraykanka, Iyadoona horey Guul uga soo gaartay Is reeb reebkii xisbigeeda ee tartanka aqalka Wakiilada gobolka Minnesota ee degmada 6B, waxaa jagadaasi kula tartamay laba xubnood oo kale oo ay ka wada tirsan yihiin Xisbiga Dimoqraadiga.

Hadaba Ilhaan Cumar Waa Qof Noocee Ah ?

Ilhaan Cumar waxay ku dhalatay Magaalada Muqdisho 4-tii Bishii oktaaber sanadkii 1981-kii, waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, muddo afar sano ah ay ku nooleyd xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, waxayna Maraykanka taktay iyadoo 12 sano jir ah, waxanay noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee lagu doorto Maraykanka.Ilhaan Cumar oo 37 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka.

Hambalyooyin Loo Diray Guusha Ilhaan Cumar.

Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu Hambalyeeyay Mrs. Ilhan Guusha Taariikh-ga ah ee ay ka Sameysay Doorashada Golaha Wakiilada Mareykanka, waxaana uu tilmaamay inay Tusaale u tahay Soomaalida hadii ay Dadaalaan.

Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna, Duqa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho C/rixmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), ayaa u Hambalyeeyay Ilhan Cumar, waxaana uu dhankiisa sheegay in Guusha Ilhan ay Muujinayso Dadaalka Gabdhaha Soomaaliyeed.

Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre)

Duqa Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa ku Tilmaamay Guusha Ilhan Cumar mid aan Marna la Ilawi karin oo Dhaqaajisay Dareenka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu alle ka Baryay inuu sii Bulaaliyo Guulaha ay ku Tilaabsaneyso Mrs. Ilhan Cumar.

Siyaasi C/rixmaan C/shakur Warsame.

Hoggaamiyaha Xisbi Siyaasadeedka Mucaaradka ah ee Wadajir C/rixmaan C/shakuur Warsame, oo ka hadlay Guusha Ilhan Cumar, ayaa ugu horeyn Hambalyo u diray, Isagoona Sheegay in Ilhan ay Guushaas ku Heshay Han, Dadaal, Go,aan, Imaan iyo Adkeysigeeda.

Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Amb. Maxamed Cabdi Afey, oo ah Danjiraha Hay’adda UNHCR u Qaabilsan Qaxootiga Soomaalida, ayaa Ilhan Cumar ugu Hambalyeeyay Guusheeda oo uu sheegay inay tahay mid Taariikhi ah, oo ka turjumaysa Codka Shacabka.

Bulshada Muslimiinta Ah.

Bulshada Muslimiinta ah ee ku kala Sugan Dunida Daafaheeda oo ay kamid yihiin Soomaalida, ayaa Baraha Bulshadu ku Xariirto ku Qoraya Hambalyo ku aadan Guusha Ilhan Cumar, Iyagoona tilmaamay inay ka dhigan tahay Guusheedu mid ay Muslamiintu ku helayaan Difaac Adag.

Ilhan Cumar.

Ilhan Cumar oo ka hadashay Guusheeda ayaa Sheegay inay uga dhigan tahay Mas’uuliyadda Adag oo ay u Xusheen Bulshada Gobalka Laga Doortay ee  iyo Shucuubta Muslimiinta ee Dunida, waxaana ay Sheegtay inay Difaac u noqonayso Danaha Muslimiinta oo Weeraro Afka ah iyo Hanjabaado kala kulmaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Doorashada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan oo iyagana ku guuleystay in ay ka mid noqdaan Aqalka hoose ee baarlamanaka gobolka Minnesota.

Gaba-gabo.

Guusha Ilhaan ayaa waxaa dhihi karaa waa Gabar Muslim ah, Afrikaan ah, Soomaalina ah, islmarkaana soo galooti ku ah Dalka Maraykanka ee ku guuleysata ka mid ahaanshaha Xubnaha Aqalka hoose ee Maraykanka, waxaa kaloo lagu tilmaami karaa inay tahay guul u soo hoyatay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed.

C/rashiid C/llaahi Warsame

IDIL NEWS.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.