Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta Oo Baaqday Kooram La,aan (Daawo)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Kulan lagu waday in ay maanta ku yeeshaan Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baaqday, kaddib markii uu soo Dhameystirmi waayey Kooramkii uu ku furmi lahaa Kulanka.

Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in ay kulanka uga hadlaan aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka duulista iyo hawada iyo aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka mashruuca liil tirka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in kulankii Baarlamaanka uu Kooram La’aan u baaqdo, Waxaana uu sheegay in lala xisaabtami doona Xildhibaanadii maanta baaqday, islamarkaana kulanka soo socda Magacyadooda la yeerin doono.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.