WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Inuu Is Casilay.

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Madaxweynihii Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan, ayaa iska Casilay Xilkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Isagoona Sheegay inuu isaga haray Loolanka Doorashada Madaxweynaha, ee  La Qorsheynayo in Koonfur Galbeed ka dhacdo 17 Bishan Nevembar.

Madaxweyne Shariif Xasan oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Baydhabo Goor-dhoweyd Baydhabo ayaa sheegay in uu u tanasulay Umadda Reer koonfur Galbeed Soomaaliya, oo sanado uu soo maamulayay, waxaana uu Sheegay inuu diiday in loo geysto Dhibaato ay ku Niyad Jabaan.

Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay Madaxtooyada, una dhaxeeyay Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Sabriye ayuu Shariifka ku go’aansaday in uu Tanasulo, islamarkaana doorashada koonfur Galbeed Soomaliya ay waqtigeeda ku dhacdo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si KMG ah xilka Madaxweynaha usii hayn doona, waxaana la filayaa in doorashada Koonfur Galbeed ay ku dhacdo waqtigii loogu talo-galay.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.