Dowladda Puntland Oo Ka Hadashay Guusha Xildhibaanada Ilhan Cumar (Akhriso)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa Hambalyo u dirtay Ilhan Cumar, Mohamud Nur iyo Hodan Hassan, kuwaas oo Guulo Taariikhi ah ka gaaray Doorashada Dhexe ee 6 Bishan ka dhacday Dalka Mareynka.

Ilhan Cumar oo ah muwaadin Somali-American ah ku Guuleysata kursi Kamid ah aqalka Kongress-ka dalka Maraykanka, halka Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa iyagana ku guuleystay in ay ka mid noqdaan Aqalka hoose ee baarlamanaka gobolka Minnesota.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland oo ku Qornaa Afka English-ka, ayaa lagu Sheegay in Ilhan, Maxamuud iyo Hodan ay Dadaalkooda ku heleen Guushan, waxaana Puntland ay u Rajeysay in uu alle u Fududeeyo Shaqo Weyn ee u taal.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo Baxay Madaxtooyadda Puntland oo Luuqada English-ka ku Qoran.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.