Golaha Iskaashiga Oo Wada-hadal ka leh Is Casilaadii Madaxweyne Shariif Xasan.

GAROOWE(IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa Sheegaya in Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyadu ay Wada-hadal ka lee yihiin Is Casilaadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo dhowaan Shirkii Garoowe, ay ugu doorteen Guddoomiye iyo Afhayeenkii Golaha oo asna Is Casilay.

Wararka ayaa Sheegaya in Golaha Iskaashiga oo Haatan ay ku jiraan Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ay ka Arrinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen Xubnaha Muhiimka ah ee ay Waayeen iyo Bedelkoodii.

Golaha Iskaashiga ayaa sidoo kale, ka taashanaya Saameynta ay ku yeelan karto Waayitaanka Xubnahaas Siyaasadooda iyagoona Qorshe ka yeelanaya, waxaana la sheegay in Saacadaha soo socda ay War kasoo saarayaan Is Casilaada Xubnahaaas.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.