Madaxweyne Shariif Xasan Oo Kulankii Ugu Dambeeyay La Yeelanaya Golaha Wasiirada.

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo shalay ku dhawaaqay inuu is casilay ayaa maanta kulankiisii ugu dambeeyay la yeelanaya Golihiisii Wasiirada.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, iyadoona Xubno ku sugan Madaxtooyadda ay ku sheegeen in uu kulanku yahay mid uu Shariif Xasan kula dar-daarmayo Wasiiradiisii, maadama kursiga Koonfur Galbeed oo isaga baneeyay.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Kulankaas ay qeyb ka yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiintii taageersanaa Madaxweyne Shariif Xasan.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.