Musharixiinta Koonfur Galbeed Oo Ku Baaqay In Dib loo dhigo Doorashada (Akhriso)

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Golaha Isbedal Doonka Koonfur galbeed oo ay ku mideysay yihiin Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo Dhaweeyay is casilaadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay soo jeediyeen in la dardargaliyo howlaha Doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo jeediyay in ay muhiim tahay in dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay sheegeen in dib u dhac uu ku yimid howlihii shaqadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Musharixiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhameystiro xubnihii iska casilay Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Akhriso.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.