Shariif Xasan Oo Saldhig Ka Dhiganaya Magaalada Nairobi, Kana Tagay Baydhabo.

BAYDHABO(IDIL NEWS)-Madaxweynihii Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee shalay xilka ka degay ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kusii jeedda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu saldhig ka dhigan doono tan iyo inta uu dib ugu soo laabanaayo Siyaasadda Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa Muddo Afar sano ah ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Sameynta weyn kulahaa Siyaasadda Soomaaliya, isagoo Mudo ka badan 15 sano aan meel uga bixin.

Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Shacab Fara-badan ayaa Shariif Xasan ku Sagootiyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.