Xildhibaan Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xooggan oo goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Hotel Muna ee degmada Xamar Weyne.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, Iyadoona Qaraxani uu ahaa mid loogu xirey baabuur nooca raaxada ah ee uu watay xildhibaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.

Xildhibaan  Cabdiweli Maxamed Ibraahin  ayaa noqonaya xildhibaankii 4-aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sawirro.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.