Maamulka Gobalka Nugaal Iyo Taliska Booliska Puntland Oo Eedeeyay Ra’iisulwasaare Kheyre (Daawo)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir), oo Shit Jaraa’id ku Qabtay Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, in uu fara-gelin ku hayo arrimaha gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha ayaa Ku War-geliyay Ra’iisulwasaare Kheyre inuu ka Waantoobo Shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda Federaalka ee uu u soo diray Gobalka Nugaal, si ay Xasilooni Daro uga Abuuraan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa Ku War-geliyay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka inuu Fuliyo Balan-qaadkii uu 1-August-2018-ka, uu kaga Dhawaaqay Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare ee Caasimadda Puntland.

Dhan kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa ka Warbixiyay Wax-qabadkiisii Mudada uu Xilka Hayay iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.