Madaxweyne Xaaf Oo DF Soomaaliya Ku Eedeeyay Dilal Ka Dhacay Deegaanada Galmudug (Daawo)

DHUUSA-MAREEB(IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in dhibaatooyinkii Saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay Deegaano ka mid ah Galmudug ay qeyb ka aheyd.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Dilalkii ka dhacay Cadaado, Hobyo, Balanbale iyo Afbarwaaqo ay ahaayeen Ukumihii ay abuurtay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo qarxay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Khilaafka Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada uu noqday mid daba dheeraaday oo xilligaan qarka u saaran in uu dalku burburo.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa sheegay in aysan jirin horumar laga sameeyay Soomaaliya iyo degaanada Galmudug intaba sanadii lasoo dhaafay sababo la xariira Khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Daawo.

Si Aad U Hesho Warar Dheeraad Ah Riix Halkaan.