Cunaqabatayntii Hubka Ee Somaliya oo la cusboonaysiiyay

Waddamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ku wada yaalla gobolka geeska Afrika ayaa waxaa saarneyd cunaqabateyn dhanka hubka ah hase ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa dhawaan cod aqlabiyad leh cunaqabatentaas uga dul qaadday Eritrea halka ay tii Soomaaliya saarneydna mar kale cusbooneysiisay,
 
Hadaba su’aalo badan,ayaa la iska weydiinayaa sababta loo kala qaaday labada dal.
 
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii u ol’oleynayay in xayiraadaha hubka, dhaqaalaha iyo safarradaba laga qaado Erirtea.
 
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa soo jeediyay in la soo af jaro xayiraaddaas oo Eritrea saarneyd muddo 9 sano ah, ka dib markii xal laga gaaray colaaddii u dhaxeysay Itoobiya iyo Eritrea.
 
Horay waxaa dowladda Eritrea xayiraaddaas loogu soo rogay ka dib markii lagu eedeeyay iney taageero siiso ururro hubeysan oo Soomaaliya ka dagaallama.
 
In muddo ahba dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u xusul duubeysa in gabi ahaanba lagu dul qaado xayiraadda hubka.
 
Qaramada Midoobay ayaa ku adkeysatay in haddii Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta uu hubka noqon karo mid faraha ka baxa ama gacanta u gala dhinacyo aan ku habbooneyn.
 
Soomaaliya,ayaa ku jirtaa xaalad dagal sokeeye , walina dawlad dib u heeshiisiin samaysay kama dhalan , hubka oo loo fasaxaana wuxuu sii hurinayaa xaaladda adag ee xiligan jirta.walina waxay u bahantahay joogitaanka ciidamada AMISOM ee wax ka suga amniga magaalooyinka muhiimka ah ee Koonfurta iyo Baratamaha Soomaaliya .
 
Qaraarkan ugu dambeeyay ee ay golaha amaanka bishan ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay xayiraaddii lagu sameeyay hubka ayna ka tallaabsatay hubka loogu tala galay in ey isticmaasho.