FAALLO:-Maxaa Eritereya cunaqabateynta looga qaaday oo Soomaaliya looga qaadi waayey?

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulankoodii Arbacadii shalay looga hadlay xaalada dalalka Eritereya iyo Soomaaliya gaar ahaan cunaqabateynta saaran wadamadaasi, iyadoo Goluhu warbixinta ka dhageystay wakiilada dalalkaasi ka socda & Warbixinta Guddiga UN-ka u qaabilsan kormeer cunaqabteynta hubka oo warbixintoodii ugu danbeysay waji gabax ku noqday Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dalka Eritereya ayaa ahmiyada ugu weyn ee cunaqabateynta loo saaray ahayd in ay taageero hub siiso kooxda Al Shabaab ee ka dagaalameysa gudaha Soomaaliya, waxaana horey ugu ololeeyey hirgelinta go’aankaasi dalalka jaarka la ah Eritereya ee Itoobiya iyo Jabuuti oo ay iyagu ka dhaxeysa xurguf la xariirta dhulka ay isku heystaan.

Isbedalka ka dhacay Itoobiya ayaa soo dadajiyey inuu hagaago xiriirkii ka dhaxeeyey Addis Ababa iyo Eritereya kaasi oo sii sahlay Itoobiya & Somaliya ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa xiisada kale ee ka dhex taagneyda Jabuuti iyo Eritereya oo uu weli wadahadalkooda socdo.

Arrimahan ayaa u fududeeyey in Eritereya olole cusub u gasho in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran iyadoo si gaar ah xooga u saartay in arrintan ay gacan kasiiso dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ka dhigatay markhaati in Asmara aysan taageerin Al Shabaab, waxaa sidoo kale arrintan sii xoojiyey warbixinta guddiga cunaqabateynta u qaabilsan Eritereya iyo Soomaaliya oo sheegay inaysan jirin wax cadeyn ah oo loo hayo tuhunkii hore ee ahaa in Eritereya hubeyso kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.

Soomaaliya
Hadaan usoo noqono dalka Soomaaliya iyo dowlada Federaalka Soomaaliya sababta looga qaadi waayey cunaqabateynta ayaa ah in markale warbixintii guddiga cunaqabteynta hubka lagu sheegay in hubkii dowlada Soomaaliya lagu iibiyo suuqyada Muqdisho iyo Baydhabo, arrintan oo markale waji gabax ku noqoneysa dowlada Federaalka oo dadaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabateynta hubka.

Guddiga UN-ka warbixinta uu soo gudbiyey ayaa sidoo kale lagu xusay in dowlada ay marar badan diiday inay si hagaagsan ulla shaqeyso khubarada guddigan u diray Muqdisho si loo baaro hanaanka kaydka hubka ee Gaashaandhiga si loo diiwaangeliyo hubka halkaasi yaal si looga hortago in mustaqbalka hubkaasi u gacan galo ganacsatada hubka gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo Baydhabo.

Baaritaanka ay guddiga sameeyeen ayaa lagu helay in qeyb kamid ah hubkii laga soo saaray Kaydka Dowlada Federaalka lagu arkayey iyagoo lagu iibinayo suuqyada Muqdisho (Bakaaraha) iyo Baydhabo, guddiga wuxuu xusay inay dhici karto in qaar kamid ah Askarta dowlada ay hubkooda gataan, balse waxay sheegeen inay hayaan xog ah in badan oo sanaadiikh ku jiro si toos ah kaydka ciidamada looga saaray iyadoo loo rayay goobo kala duwan oo ay ku jirto magaalada Baydhabo.

Xogtan ayaa dhan walba oo laga eego fadeexad ku ah dowlada maadaama hadii uusan sugneyn hubka ku jira kaydka iyo kan ku jira gacanta askarta dowlada ay tahay mid muujineysa in dowlada aysan weli ahayn mid lagu aamini karo inay hub culus lasoo degto ama loo fasaxo.

Taasi waxaa usii dheer warbixinta sanadkan waxaa ku xusan in qeyb kamid ah hubkii laga qabtay maleeshiyaadka Al Shabaab oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada AMISOM ay kamid ahaayeen hub horey loo siiyey ciidamada dowlada Federaalka.

Al Shabaab hubka kaliya kama hesho dowlada Federaalka balse waxay sidoo kale helaan dareeska ciidamada xataa kuwoodii ugu danbeeyey ee loo qeybiyey ciidamada xasilinta Muqdisho.

Kooxda Al Shabaab oo dooneysay inay weerar ka fuliso magaalada Nairobi bishii Feberaayo ee sanadkan oo ay fashiliyeen ciidamada Kenya, ayaa hubkii gacanta lagu dhigay ay u badnaayeen qoryaha iyo rasaasta AK47 oo laga soo saaray kaydka hubka dowlada Federaalka, hawlgalkaasi ayaa sidoo kale lagu qabtay gaarigii la doonayey in weerarkaasi ismiidaaminta ah lagu fuliyo.

On 15 February 2018, Kenyan police intercepted a vehicle-borne improvised explosive device en route from El Adde, Somalia, intended for a major complex attack in Nairobi. The vehicle was carrying AK-pattern rifles, originally imported by the Federal Government in 2013, suggesting that the attack would have included “suicide gunmen”, following the modus operandi of Al-Shabaab operations in Mogadishu.

Dhinaca kale waxaa iyaguna jira dowlado si gaar ah loogu xusay warbixinta sida dalalka Imaaraatiga, Sacuudiga, Maraykanka iyo China in hub ay lahaayeen ciidamadooda laga helay gudaha Soomaaliya oo ay ku jiraan qaar kamid ah hubkii ay qabteen ciidamada Badda ee Puntland ee Bosaaso oo uu guddiga dabagal ku sameeyey halka laga keenay.

Maraykanka, Imaaraatiga, Sacuudiga iyo China ayaa intuba weli kasoo jawaabin su’aalaha la xariira hubkooda laga helay gudaha Soomaaliya iyo qaabka hubkaasi uu ugalay suuqa madow ee hubka.

Xigasho:-Maxamed Cismaan
Horseed Media